Ku saabsan Rätt Kurva
Rätt Kurva waa barnaamij ka hortagga dembiyada oo si gaar ah loo diyaariyey oo loogu talagalay carruurta da'doodu u dhaxayso 8-15 sano. Booliiska oo ay weheliyaan Adeegga bulshada ayaa waxay caddaynayaan oo ay ka siinayaan boosas barnaamijka carruurta loo arko inay si gaar ah halis ugu jiraan inay galaan dembiyo culus, iyadoo lagu salaynayo dembiyo hore.
Hey’adda booliiska ayaa wada oo horumarinaysa barnaamijka iyaga oo kaashanaya degmooyinka, waxayna si firfircoon uga shaqaynayaan sidii loo kordhin lahaa tirada booliiska deegaanka iyo degmooyinka la shaqaynaya Rätt Kurva. Dhowr meelood oo cusub ayaa ku biiri doona ama ku soo xirmi doona 2025.
"Tallaabooyinka lagu xakamaynayo waa in lagu lammaaneeyaa firfircooni, iyada oo la adeegsanayo barnaamijyo si gaar ah looga fikiray oo si gaar ah loo habeeyey"
— Johan Sone, NOA
Halkan waxa ku jira Rätt Kurva
Xooga waxa la saarayaa hibada iyo wanaaga
Barnaamijku waxa uu ku bilaabmayaa in booliisku ay soo xulaan carruuro iyaga oo eegaya dambiyadooda, ka dibna xulashada ayaa markaa la soo yaraynayaa iyada oo lala kaashanayo adeegga bulshada, inta aan carruurta iyo qoysaska boosas la siin ka hor. Maadaama barnaamijku ku salaysan yahay wada shaqayn ka qaybqaadashadu waa mid ikhtiyaari ah.
Intaa ka dib, qof qoysaska daryeela oo shaqadiisu tahay Rätt Kurva oo keliya ayaa samaynaya baaritaan ku saabsan baahida iyo qorshe hawleed ka kooban tallaabooyin iyo hawlo loogu talagalay carruurta iyo haddii sidoo kale loo baahdo qoyska. Tallaabooyinka waxay ujeedadoodu tahay in la xoojiyo ilmaha, in la hawlgeliyo shabakada ku xeeran ilmaha iyo in tuso waddooyin cusub oo dembiga ka fogaynaya. Xoogana waxaa la saarayaa hibada iyo wanaaga.
Daryeelaha qoysku wuxuu si dhow ula shaqayn doonaa carruurta iyo qoysaska, maskax ahaan iyo jir ahaanba. Si loo helo kheyraad iyo fursado lagu abuuro qorshe hawleedyo dhab ah oo wanaagsan, waxaa loo baahan yahay kheyraad kale oo ka baxsan waxay Adeegga bulshadu maanta haysato. Halkaa ayay bulshadda rayidka ah, ururada iyo ganacssatadu ka soo geleyaan.
“Iyadoo la adeegsanayo Rätt Kurva dad badan ayaa awood u leh inay sameeyaan wax badan”
— Catharina Törnqvist, NOA
Taageero ka timaada ganacsatada iyo bulshada rayidka ah
Iyadoo la adeegsanayo Beredskapslyftet (urur aan faa’iido doon ahayn) barnaamijku waxa uu taageero ka helaa shirkado iyo ururo bulsho oo tiro badan, ha noqoto agab, isku xir ama shabakad iyo ka qaybgal. Liiska ururada xiisaynaya ayaa kordhaya bil kasta. Taageerada ganacsatada iyo bulshada rayidka ah waxaa ka mid ah, in daryeelaha qoysku uu u qaban karo aktiititeetyo carruurta, walaalaha ama waalidiinta, kuwaas oo degmooyinku aanay bixin karin maanta. Tallaabooyinka la qaadayaa dhammaantood waa inay ahaadaan kuwo qiimo u leh ilmaha gaarka ah, ama qoyska, ujeeddaduna ay tahay in ilmuhu joojiyo dembiyada.
Ururka Beredskapslyftet ayaa maamula lacagaha maaliyadeed, goobaha shaqada iyo adeegyada kale, sida hogaaminta iyo aktiitifeetyada. Waa inay khusaysaa casharrada muusikada ee carruurta, casharrada fardo fuulida ee hal walaal, waxbarashada luqadda ee waalidka, qalabka cayaaraha ee carruurta, dhacdooyin socda muddo dhowr maalmood ah, iwm, kuwaas oo laga soo iibsanayo iyadoo la kaashanayo deeqaha ay bixiyeen shirkadaha iyo ururada oo ay ugu deeqeen si loogu taageero barnaamijkan. Shirkadaha bixin kara fursadaha shaqo sida walaal weyn ama aabbe shaqo la'aan ahaa waa qayb muhiim ah, halkaasoo aan sidoo kale ka eegayno shaqooyinka xagaaga iyo meelaha tababarka ee carruurta weyn ama walaal weyn oo ka mid ah qoyska.
Qaabkan isku dayga ah waxay ujeedkiisu tahay in la daboolo baahiyaha qoyska dhammaantii, ma aha ilmaha la doortay oo keliya ee waa si loo beddelo xaaladda guud ee qoyska, loona kordhiyo isdhexgalka iyo ka-qaybgalka bulshada iswiidhishka.
“Iyadoo la adeegsanayo Rätt Kurva waxaanu ururinaynaa kheyraada iyo ka qaybgalka ka imanaya ganacsatada si looga gudubno caqabad weyn oo kale oo dhinaca bulshada ah”
— Malin Crona, Xoghayaga guud, ee ururka Beredskapslyftet
Qiimayn
Cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadda Göteborg ayaa muddo saddex sano ah qiimeyn ku sameyn doona howlaha ka socda Göteborg, Linköping iyo Södertälje. Qiimaynta waxay ka kooban tahay falanqayn ku saabsan hababka bulshada iyo tirakoobka dembiyada. Waxaa gaar ahaan diiradda lagu saarayaa sida dembiyada, iyo sidoo kale natiijooyinka iskuulka, ee ka qaybgalayaasha sida ay u egtahay wakhti kadib. Waxa sidoo kale la qiimayn doonaa doorka ganacsatada iyo bulshada rayidka ah ee ku jira Rätt Kurva.